Wasiirka Ganacsiga XFS oo la wadaagay maalgashato reer Talyaani ah fursadaha maalgalin ee Soomaaliya ka jirta

Rome-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku wehelinaayey booqashadii qaran ee uu ku tagay wadanka Talyaaniga, ayaa kulamo la qaatay qaar ka mid ah Ganacstada iyo maalgashadeyaasha ugu waa weyn wadankaas oo uu la wadaagay fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, waxaana ay isku raaceen inay magaalada Muqdisho ku qabtaan wejiga labaad ee madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Madashan, ayaa abuuri doonta horumar ganacsi, Maalgashi, shaqo abuur iyo kobac dhaqaale inta ba, waxa kale oo ay noqon doontaa madal ay ganacsatadu ku wadaagaan wixii xogo iyo macluumaad ah ee la xiriira dhinacyada ganacsiga iyo Maalgashiga labada dal.

 


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading