Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo furay Shirka Wada-xaajoodka Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo furay Shirka Wada-xaajoodka Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka
(Muqdisho – Nofeembar, 12, 2022) Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Mudane Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta furay Shir ay ka soo qeybgaleen madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka, waxaana looga hadlay sida Shirkadaha ugu wada-xaajoon lahaayeen arrimaha khuseeya isku-xirka iyo dhaqan-galinta qodobka 49-aad ee xeerka Isgaarsiinta Qaranka iyo xeer-nidaamiyaha isku-xirka (interconnection regulation) oo faraya shirkadaha isgaarsiinta inay iswici karaan maadaama Shacabka Soomaaliyeed ay baahi weyn u qabaan.
Mudane Jaamac Xasan Khaliif Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa ugu horeyn bogaadiyey Shirkadaha Isgaarsiinta shaqada Wanaagsan ay u hayaan Dalka…”Maadaama ay tahay dan guud oo waajib ku ah dhammaan shirkadaha isgaarsiinta waxaa muhiim ah in labilaabo Shirkadaha gudaha in ay iswacaan, Wasaaradda waxaa waajib ka saaranyahay in ay Ilaaliso kuna difaacdo dhanka Sharciga Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka oo kaalin weyn ugu jira Dhaqaalaha Dalka,…ayuu yiri Wasiir Jaamac.
Mustafa Yaasin Sheikh ku-xigeenka Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa sidoo kale Shirkadaha ku adkeeyey in howshaan si deg deh ah u dhamaato.
Shirka Wada-xaajoodka Shirkadaha oo socondoono muddo saddax maalmood ah ayaa waxaa laga soo saaridoonaa qodobo muhiim ah, waxaana dhawaan la daah-furidoonaa Isku-xirka Shirkadaha oo shacabka Soomaaliyeed ay ka kaaftoomilahaayeen in ay qaataan dhowr Sim-card.

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading