Waziirka Arimaha gudaha DF soomaaliya oo booqasho shaqo ku joogay Baydhabo iyo Xudur ku amaanay Maamulka KGS hormarka

Waziirka Arimaha gudaha DF oo booqday Baydhabo iyo Xudur

Waziirka Arimaha gudaha oo Maalmaha safara kala duwan ku kala tagay dowlad gobaleedyada dalka booqday KGS.

 

Waxa uuna yiri:

 

Koofur Galbeed Soomaaliya waxaa ka curanaya mar dhow “Deyrta Dib u xoraynta” oo uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

 

Dawlad Goboleedka Koofur Galbeed oo aan booqasho ku kala bixiyey Caasimadda ku meelgaarka Baydhabo iyo magaalada Xudur oo ah magaalo madaxda gobolka Bakool, waxaa iiga muuqda isbdel iyo koboc weyn, kala danbayn iyo modaal dawladnimo.

 

Xudur waxaa dib loo dhisay markii Labada golihii deegaanka, oo aan caleema saarkiisa ka qeybgalnay, inkastoo magaaladu ay cunaqabatayn saarnayd 10 sano ka badan, haddana reer Xudur waxay ahaayeen dad ku faraxsan maamulkooda cusub ee ay dhisteen iyo jabka furimaha kala duwan uga socda Khawaarijta, sidoo kalena waxay ahaayeen dad ay ka go’an tahay in ay qeybtooda ka qaataan dagaalka lagula jiro Khawaarijta.

 

Ololaha Dib u xoraynta oo Koofur Galbeed ay aayadeeda ka qaadato waxay ka dhigan tahay dhammaadka maalmihii kooxda Khawaarijta iyo xirmashada albaabkii cabsida, qaraxa iyo maata-laysnimada.

 

Waxaan u mahadcelinayaa madaxweynaha DG Koofur Galbeed, wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha KG, mas’uuliyiinta kala duwan ee DG Koofur Galbeed iyo reer Xudur maamul iyo qeybaha kala duwan ee bulshada soo dhowaynta iyo maamuuska nala siiyey mudadii aan ku sugnayn aniga iyo wafdigeygu Baydhabo iyo Xudur.

 


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading