Waziirka Gaashaandhiga oo la Kulmay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo Taliyaha ciidanka xooga Dalka Sareeyo Guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa maanta Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Midowga Yurub iyo Sarakiil ka socda Xarunta dhexe ee Midowga Yurub.
Wasiirka iyo Taliyaha ayaa kala hadlay Safiirka Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca howgallada socda iyo sidii Midowga Yurub ay uga gacan siin lahayeen La dagaallanka Khawaarijta.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa is dhaafsaday sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo awoodda ciidanka xoogga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub kaalinta ay ka qaadato doorka ku aadan taageeridda ay siiyan Ciidanka Xoogga Dalka.

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading