Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kullan wadatashi ah magaalada Beledweyne kula yeeshay Ganacsatada Dowladd Goboleedka Hirshabelle

Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kullan wadatashi ah magaalada Beledweyne kula yeeshay Ganacsatada Dowladd Goboleedka Hirshabelle.
Wadatashigaan ayaa diiradda lagu saaray doorka ganacsatadu ku leeyihiin dedaalada Xalka Waara loogu raadinayo barakacayaasha Dowladd Goboleedka Hirshabelle, kuwaas oo isugu jira dad ka soo laabtay xeryaha qaxootiga, dad dhawaan barakacay iyo sidoo kale dadka ku barakacsan gudaha deegaanada Hirshabelle.
Furitaanka shirka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku Xigeenka Rugta Ganacsiga Hirshabelle, U-qaabilsanaha Wasaaradda Qorsheynta Hirshabelle ee Beledweyne, Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacaayasha Hirshabelle, hawl wadeeno ka socday Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Hirshabelle, hawl wadeeno ka socda Maamulka Degmada Beledweyne, xubno ka tirsan Ganacsatada Magaalada Beledweyne iyo sidoo kale, khubaro iyo hawl wadeeno ka socday Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.
Wadatashiga oo ka mid ah fulinta Istiraatijiyadda Qaran ee Xalka Waara iyo Qorsho Howleedka Hirshabelle ayaa waxa lagu falanqeeyey kaalinta ay ka qaadan karaan Ganacsatada Hirshabelle dedaalada xalka loogu raadinayo shacabka ku barakacay gudaha Dowladda Goboledka Hirshabelle iyo kuwa ka soo laabtay xeryaha qaxootiga dalalka dariska ah, iyada oo la raacayo halbeegyada Istaraatiijiyadda Qaran ee Xalka Waara (2020-2024) taas oo ay ku cad yihiin ahmiyadda qorshe hawleedyada ay tahay in la fuliyo.
Ugu dambeyntii, madaxda Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo xubno ka mid ah Rugta Ganacsiga Hirshabelle ayaa boggaadiyay dedaalada socda iyo Istiraatijiyadda ka mira-dhalinta qorshe howleedka si loo gaaro himilada guud ee ah qaxootiga soo guryo-noqday iyo barakacayaasha in ay helaan xuquuqda ay helaan bulshada inteeda kale oo ay ugu weyn tahay xuquuqda baahiyaha aasaasiga ah.

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading