Xasan Shiikh “Anaga iyo Itoobiya Bad Iskuma Haysano”

Muqdisho, (Nomadicvoice) — Madaxweynaha   waqtigiisu gabaabsiga yahay ee Xasan Shiikh Maxamuud ayaa yidhi;

Annaga iyo Itoobiya iskuma haysanno in ay Itoobiya Badda gaadho, waxaan isku haysannaa Itoobiya sidee bay Badda ku gaadhaysaa, ma ahan dagaalku in ay Soomaaliya Dowladdu Itoobiya Bad u diiddan tahay […]

Itoobiya haddii ay doonayso in ay Xeebaha Soomaaliya soo gaadho waannu soo dhowaynyanaa, Itoobiya waa in ay la macaamishaa walaalohooda Soomaaliyeed maaddama oo walaalaha Soomaaliyeed ay la macaamilkeeda ogol yihiin’’

Hadalkan ayaa u muuqda in uu Xasan Shekh Maxamuud uusan diideyn in Itoobiya qabsato xeebaha soomaaliya oo siyaabo kala duwan u adeegsato Badda Soomaaliya balse uu diidan yahay habka ay u marayso kaliya.

Xasan Shiikh ayaa wado kasta u maraya siduu u heli lahaa lacagta heshiiska is fahanka ah ee horaantii danadkaan dhex maray Hogaamiyaha Somaliland iyo RW Itoobiya Abiy Axmed.


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading