Yaa Gumaystihii reer Europe u Gacan Galiyay Xeebaha Bada Cas Somalia Qarnigii 19aad (1866kii – 1884kii)?

Si aan cabirka taariikhda ku cabirano u dheeraysano, islamarkaasna sadexda wadan Ethiopia, Egypt iyo Turkey iyo xeebaha Somalia doorka ku lahaayeen wax uga ogaano, bal cajilada sooyaalka taariikheed ee Somalia aan 158 sano dib u yara qaadno.

Sanadku waa 1866kii waa sadex sano ka hor furustii Suez Canal 1869kii, waa xili xiisada xeebaha Somalia iyo damaca dawladaha shisheeye ee hada jira ay jirtay. Turkey (Ottomans) qarnigii 15aad ayay waxay qabsadeed oo xukunkoodii soo gaarsiiyeen Sudan, Massawa (Modern Eritrea) iyo Somalia.

Ka dib markii Turkidu dagaalo badan Bariga (Asia) iyo Galbeedka (Europe) kaga furmeen ayay 1866kii Egypt oo dawlad gobaleed Boqortooyada Ottomans hoos tagta ahayd ku wareejiyeen Sudan, Eritrea iyo Somalia.  Khedivate (Ismaamulka) Egypt uu madax ka yahay nin la oran jiray Ismail Pasha (1830-1895) oo iyaduba hoostagta Turkey ayaa sidaa xeebaha Somalia Lug-haya ilaa Ras Hafun xukun aan itaal badan lahayn kula wareegay.

Yeelkadeede, Somalidu waa iska soo dhawaysatay Masaarida Islaanimada darteed iyo iyaga oo diidanaa Saldanadii Oman oo qayba ka mid ah xeebaha Koonfurta Somalia xukuntay ilaa Zanzibar, sababta Somalidu ku diidaneed Suldanadii Omaniyiinta waxay ahayd maadaama ay Boqotoodada Britain Yemen iyo Arabia qabsaday gacan saar la lahaayeen. Qaybo ka mid ah Somalida sida Ras Hafun, Bariga Somalia, waxay heshiis la galeen Egypt heshiis sharuudo ku xiran yihiin.

Halkaa marka ay marayso, 1876kii hadii qaabkii awoodaha iyo arimaha siyaasada caalamka gaar ahaan waqooyiga Africa iyo Arabia wax iska badaleen, awoodii Boqortayadii Ottomans, si gaara ah, sii wiiqmayso, madaxii Khedivate (Ismaamulka) Egyptian ee Ismail Pasha, wuxu bilaabay in uu heshiiskii Ottomans-kii ka baxo, ka dibna ku dhawaaqo in dhulkiisa Egypt iyo dhulalka kale hoostaga – oo iska sheegasho u badan – in uu qaarada Eurupe ku biirayo, Britain oo Arabia Peninsula (Gacanka Arbeed) ku sugan ayaa talaabada Ismaamulka Ismail Pasha soo dhaweeyay.

Markii ahayd 1877kii ayaa Khedivate Ismail Pasha heshiis iskaashi Britain la saxiixday, islamarkaasna madaxii Egyptian Boqortooyada Britain ka codsaday in ciidama xeebaha Somalia iyo Eritrea kaga xaniban in Sudan la isugu geeyo, halkaas oo dagaalo culus uu Mahadi Sudan uu kula jiray Turkida iyo Egyptian-kii.

Taas badalkeeda Egypt waxay balan qaaday in xeebaha Somalia iyo Eritrea ku wareejindoonto Boqortooyada Britain si ay kaalinta ay baneeyaan Boqortooyada Britain u buuxiso – fursadaas Britain hawl yari ayay uga faa’idaysatay.  

Maxaa xigay, 1882-84kii Ingiriiska ayaa soo gaartay xeebaha bada Cas ee Soomaaliya iyaga oo qashkii, heshiiskii iyo hor-galayaal Egyptian-ka wata………


La soco qabyta 2aad

WQ:// Othman A. Mohamud


Discover more from Nomadicvoice

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Discover more from Nomadicvoice

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading